International Trusteeship for
If there is any value left in the international community, the idea of trusteeship for
Let’s be real, what is going on in
Not a single public school is open for the children of
In Addition to that, the so called leaders of the transitional federal government are frantically competing to rob the international aid Money that is donated to the suffering people of
The failed formulas of the past must be radically changed. The philosophy of using the same ingredients and always expecting a different outcome must stop. This radical move may not be the only one. It may be the first of its kind in the beginning of the 21st century. All members of the Security Council must agree upon the idea of trusteeship for
In conclusion, the UN will hopefully help Somalis Stand in their feet again, and help the revival of the vital institutions of the now defunct state. I strongly believe this is a good idea compared to what the people of
“One day we must come to see that peace is not a distant goal we seek, but it is a means By which we arrive at that goal. We must pursue peaceful ends from peaceful means.” Dr. Martin Luther King
Hussein Egeh
Mathematics instructor-MA
Haddii aad rabto inaad qoraal ka jawaabto
Opinion: By SayliciBlogger
"When writing in response to a particular piece of writing in any publication, always begin by referring
precisely to what you are responding to." (Troyka)
Hadda cidna uma jawaabayo laakiin dariiqada la raaco waa sidatan: Haddii aad rabto inaad qoraal ka jawaabto luuqad kastaba ha noqotee waxa loo baahan yahay in aad cadayso tixraac; mawduuca ama ciwaanka qoraalka aad ka dacwoonayso, meesha iyo taariikhda lagu daabacay. si labada dhinacba
loo akhriyo haddii aad rabto in doodaadu ay micno samayso.
waxaan akhriyey warbixin uu Dahir Askar ku qoray shabakada wararka ee saylicirpess.net ciwaankeeduna ahaa "Maxaad ka taqaanaa Lixda Website ee reer Awdal -August 24, 2007"; warbixintaas oo cadaynaysay in gobolku immika ahaan uusan lahayn jaamacado lagu tababaro suxufiyiinta lixda shabakadoodna ay kala fog yihiin fikrad ahaan oo ay u baahan yihiin inay sameeyaan sidii ay u caawin lahaayeen in bulshadu iskugu soo dhawaato. Hadaba sida aan wada
ognahay saxaafada lafteedu way cusub tahay oo horu umaynu haysan inta yar ee madax banaanida ah ee aan maanta haysano khaasatan kuwa qurbaha joogaa.
warbixintaas oo taabatay lixda website dahir ma'uusan samayn wax bariitaan dheeraad ah oo uu rabay in umada loo gudbiyo isagoo ixtiraamaya "privacy-ga" shakhsiyadaha maamula website-yada. keliya wuxuu isku habeeyey wixii ay umadu marka horeba ka ogayd website-yada.
Hadaba Soomalidu waxay hore u tiri: "Hadal uu nin si'u yiri nina si u qaaday" kalsooniduna waa muhiim. Dahir iyo Saylicipress.net ilama aha inay wax khalad ah cidna ay rabeen inay ka galaan markaa anigoo ka mid ah weriyayaasha Saylicipress waan isbaranaynaa akhristayaasheena sharafta mudanow. shabakadan dar-darta iyo xawaaraha ku socotaana marnaba idin niyad jabin mayso insha allah.
Mohamed Aadan Cilmi (Mohamed Yare)
Calgary, Alberta - Canada
mohammedadan@hotmail.com
DADKA WAXAN UGA DANBEYNEY WARBAAHIN LA,AANTA AYEY AHAYD
sida aad lawada socotaan aduunka waxaa la isku dhaafey warbaahinta la,aanteedna waxba kama ogaan kartid waxa ka dhacaya xataa garabkaaga .aan usoo dhaadhaco waxa aan ugu soo qaatey mowduucan ee igu kalifey waxa weeye markaan arkay nin dhaleeceynaya warbaahinta gobolka ee
maanta hana qaadey una soo jeesatey horumarka gobolka ha ahaato dib udhiska.
Wacyi galinta iyo waliba haqabtirka wararka gobolka.somalida aan aragno cid walba waxey leedahay website ugaara oo danteeda ka hadasha anagoo nalagu tilmaamo dadka somali ugu aqoonta badana maanu laheyn sanadihii ugu danbeeyey wax warbaahina oo magaca gobolka ku hadasha hadaba
maxaa ku kalifey ninka la yidhaahdo DAAHIR ASKAR dhaleeceynta warbaahinta iminka noo soo baxdey halkii uu ka taageerilahaa?
walee anuu garan maayo hadii cid gaara uu ninkaasi saluugey lakiin waxaan odhan lahaa wax walba oo aad dhaliileyso bedelkeeda ayaa la keenaa markaa hadii ninkaasi leeyahay qolooyinka wax soo qora ayaan dhaliilsanahay waxaan leeyahay aduu ku soo dhawoow wax qoritaankoo danta gobolka
iyo tan beelaha awdal ka hadal warbaahin ayaa la isku dhafee .walalayaal waad aragtaan kolkii warbaahinteenu soo bandhigtey ciyaartoydeenii lagu dhagaxeeyey bartamaha hargeysa in sagaal wasiir iyo udubadoodiiba iney yimaadeen caasimada awdal ee boorame kana raaligaliyeen shacabkii
iyo dhalintii sportigaba waxii ku dhacey; waar ma cid ayaa ogaan jirtey hadeyna warbaahintaas laga akhrisan sida lughaya, boramenews, saylac.com, iyo saylicipress jawaabtu waa maya.
horaa loo yidhi ninaan hadlin hooyadii qadisey dhalinyarada u istaagtey iney wixii warara naga haqabtiraan iyo wixii fikira ee maskaxdeena ku jirana soo bandhigaan aad ayey u mahadsan yihiin ayaanu leenahay marna ha ka xumaanina inta yar ee faro ku tiriska ah ee wax walba u aragta
khaladka ,waxaan kaloo idin xasuusinlahaa garoonkaas biroole ee maanta loo wada istaagey dhiskiisa warbaahinta ayaa qeybta kowaad ka qaadatey ha ahaato ururinta lacagta dhiiri galinta inta aan hore wax u fahmin jecelna wax qabatka warbaahinteenan hana qaatey waa afkii gobolka awdal cid walba oo akhrisataana baahideena iyo u jeedkeena ayey ka dhadhamineysaa halkaa waxaa nalagu xantaa dad aan sheegan waxa ay jecel yihiin iyo waxa ay neceb yihiin si xantaa u baaba'do waa inaan ka wada qeyb qaadanaa gacan qabashada warbaahinteena wixii yaree khaladaadana sidii wanaagsan aaan ugu sheegnaa .
ogaada cidina mushahar kuma siiso ragaa isxilqaamey ee danta shacabka soo qoraya had iyo jeer ee dadaalka dheer muujinaya ,warbaahintuna wax walba wey u banaan tahay iney ka hadasho xaga caafimaadka,dhaqaalaha ,siyaasada iyo wax walba oo markaa jiraa waxaan idin leeyahay jidka wanaagsan ayaanu iminka dhabaha saarnee ha ka daalina waxa la isku dhaafeyna waa warbaahintee wax qabadkiina sii hormariya aad iyo aad ayaana u mahadsan tihiin hadalka aan jawaabta ka bixinayeyna wuxuu ahaa qoraalkii ninka la yidhaa daahir askar ee
cinwaanka uu uga dhigey MAXAAD KA TAQANAA LIXDA WEBSITE EE RER AWDAL.
MAHAMOUD ISMAIL KAHIN
kahin76@yahoo.com
Cairo, Egypt
Shabadaha Da'daydoow - Maanso
Jawaab Bnn Ka bixisay Warbixin Website Yada Lagu daabacay "BNN Waxay
u Taagan tahay Horumarinta Gobolka"
Background Information - tixraac: Jawaab ku socota maqaalka "Maxaad ka taqaanaa lix website ee reer Awdal" "Ujaadada Maqaalku ma'ahayn in BNN ka Xanaaqdo laakiin in la baro umada dadkan wax soo
qoraya" Dahir Askar - (Dahir Askar oo ka mid ah weriyayaasha Saylicipress).
Maalmahan waxa shabakadaha Wararka ee Gobolka awdal lagu faafiyey maqaal uu qoray nin isku sheegay inuu soo bandhigayo Warbaahinta Gobolka Awdal iyo daldalooladooda. Isagoo aan wax tixraac iyo baadhin toona sameyn ayuu eedayn aanu hubsan dusha uga tuuray warbaahinta Gobolka Gaar ahaan
Shabakadaha Wararka.
Ugu Horeynba Shabakada Boramanews lagama maamulo Dalka Gudihisa siduu ku dooday Daahir Askar, sidoo kale wuxu khalad iyo meel ku dhac kula kacay Tafatiraha BNN isagoo ku sheegay in uu Tafatiro nin Borama Jooga oo Biko la yidhaahdo waa siduu hadalka u dhigee, Tafatiraha Bnn Maamulaha Iyo
Aasaasahuba Waa Eng. Mustafe Xaaji Mohamed Diiriye oo dalka dibadiisa jooga,
Mudane Askar waxay ahayd marka hore inaad nalasoo xidhiidho oo wixi akhbaar aad nooga baahato aad na waydiiso si aad u ogaato dhab ahaanti siday u shaqayso shabakada BNN ee may ahayn inaad maqaal soo malmaluuqdo oo dhaleecayn iyo ceebayn kula kacdo shabakadaha wararka ee Gobolka oo had iyo
goor u taagan siday bulshadooda uga haqab tiri lahayeen wixi ka dhaca mandaqada ay ku nool yihiin. Micnaha iyo Ujeedada Warbaahinta ayaad malaha si khaldan u fahantay markaad leedahay Xukuumada waxba kama qoraan sax iyo khalad iyo eedaynta, sidaanu wax uga qorno xukuumada iyo mucaaradkaba
waxa nooga marag kacaya dadka akhristayaasha ah ee sida joogtada ah ula socda Wararka aanu kasoo tabino dalka.
Hadad u aragto in warbaahinta khasab ku tahay inay dhaleecayso dowlad malahade si kale baad u rabtaa in Shabakadahu kuu fuliyaan Hawl adiga ku gaara oo doonaysid inaad dad gaara ku samayso taasina ma dhacayso, Warbaahinta shaqadeeduna waa inay dadka dhex u ahaaata ee maaha sidaad adigu ku
doodayso inay cid gaara Dhaleeceyan,
Markasta oo Mucaaradku hadlo waanu soo qornay dhaleecayn khalad iyo eedayn waxay Xukuumada ka sheekayn taasina waa dhex dhexaadnimada aanu ku caano maalnayn ee hanaga Sugin inaanu anagu waxan jirin qalinka u qaadanayo oon Xukuumadu Dhaleecayn iyo khalad kula kacdo, waxanu soo
gudbinayna wixi dhacay ee Xukuumad iyo Mucaaradba ah ee masoo gudbinayno sidaanu anagu u aragno iyo sidaad adiga u aragto toona.
Bnn qabiil ma taqaan . qof gaar ahna ma taqaan . Danta Dadkeeda iyo Dalkeeday taqaan Sidii Ay xaqiiqada ugu soo gudbin lahayd akhristayaasheeda ayay isku hawshaa, Bnn marnaba Uma dul qaadan Doonto in sumcadeeda Meel lagaga dhaco
Sidaad adiguba Qirtay Mudane Askar Bnn waxay ka haqab tirtaa dadkeeda wararka oo dhan marna Bnn noqon mayso mana aha Shabakad ku kooban inay deegan kaliya kasoo waranto ee waa shabakad baladhan doonaysana inay noqoto shabakada ugu horeysa kuwa afsomaliga, hadana waxa kusocda
baladhin iyo wax ka badal,
BNN Ma aha web kaliya Ee waa wakaalad Warar .. oo madax banaan .. Wax walbana way u dhamaystiri doonta akhristayaasheeda . dhawaaaaaaaaan insha alah
Bnn iyo Madaxweyne Rayaale sharaf bay kala mudan yihiin hadad adigu mucaarad tahay iyo hadii kaleba, Bnn way ku amaanaysa Madaxweynaha wixi horumar uu deeganka iyo Dalka ka sameeyay marnaba waxan
jirin oo sal iyo raadtoona lahayn kuma xag xaganayso madaxweynaha Umadu dooratay.
Hadaad adigu jeclaatay in la Aflagaadeeyo ama la eedeyo Madaxweyne Umadi dooratay dabcan Webkaaga inaad kusoo qorto weyan waxad doonaysdi inay websiteyada kale ku fuliyaan, maqaalkagu ulajeedadisuna waa inaad Shabakadaha kale ee aad la tartamayso dhaleecayn usoo jeediso si aaad
iskooga dhigto Shabakada kaliya ee Fulisa Danaha Reer Awdal.
Tafatiraha BNN
Eng. Mustafe Hajji Moh'ed Dirie
boramanews@gmail.com
Dhakhaatiirta cusub ee kasoo baxay Jaamacada Camuud Gobolka Awdal waa
immisa?
Sharmake Muse
Shan Dhakhtar ayaa ka qalin jabiyey jaamacada Camuud bisha sideedaad horaanteedii. shantaa dhakhtar ee bulshada usoo biiray ayey kala ah:
Abdirahman Nur Hussein (Duse)
Hoddan Suleiman Guled (Prof. Suleiman Guled's Daughter)
Abdirizaq Farah Hassan (Barako)
Farhan Cumar Muse
Mohamed Abdillahi Ahmed
Difcadan soo baxday oo ah difcadii bilowday sanad dugsiyeedka 2000 oo mudo 7 sano ku siman. waxna soo baranaysay ayaa waddada u banaysay da'yarta reer Awdal si ay ula qaybsadaan caalamka tayo heer sare ah oo waxbarasho muujiyeyna karti dheeraad ah oo ay ku caawiyaan dadkooda u baahan waxtarka caafimaad inuu u suurto galo. waxa laga yaabaa in qaarkood waxbarashadooda ay kasii wataan wadamada dibeda kuwa kalena dadkooda ayaa u baahan sida ay ilo u kuur gala arimaha caafimaadka ee
Gobolku noo sheegeen.
shantan dhakhtar ayaa badan kooda ka qalin jabiyey dugsiga hoose, dhexe iyo Sare ee Al-Aqsa iyo Al-qudus; kaalintii uu dugsiga sare ee Sh. Cali Jowhar kaga jiran wax barashada gobolka ayaa yara kala go'day isagoo dugsigu xidhnaa 1991 ilaa 1996; wakhtigii dagaalada sokeeye laga soo kabanayey.
dugsiyada Al-qudus oo ah dugsigii hore ee Xaawa taako waxa dhigta gabdhaha waxana maamule ka ah farax ismacill sidci; dugsiga dhexe sare ee Al-aqsa oo ah dugsiii la odhan jiray (Dhayga ama dugsiga
dhexe ee willasha) waxa maamule ka ah Abdirahman Dahir Elmi.
iyadoo aan lasoo koobi karayn tayada dugsiyadani ay bulshada reer Awdal u horkacayaan ayaa dad waynuhu mahad balaadhan u hayaan dadka qaban qaabiya ama gacanta ku haya dugsiyadan.
Haddaba waxa bishaaro ah in Sanad walba ay soo bixi donaan shan dhakhtar iyo in ka badanba waxa ay si buuxda u dabooli donaan baahida dalalka soo korayaa u qabaan cafimaadka. weliba iyada oo ah ama noqon doonta isha geeska Africa ka saarta cudurada mar hore la dabar gooyey iyo cudurada aan
dawadooda aan weli la helin.
Sharmake Muse
Sharmake77@hotmail.com
Saylicipress
Borama, Awdal