Powered by Bravenet Bravenet Blog

Tag Board

Saylici: Saylicipress.net

Please type in the four characters shown in the black box.

Saturday, August 25th 2007

9:20 PM

Mohamed Maaful International Stadium Borama By: Deeq Ali Obsiye

Mohamed  Maaful International Stadium Borama.
 
 
 
Waxaan horta marka hore xagan mahad uuga jeedina dhaman shicibka reer awdal eek u howlan sidii ay waxa uga qabanlahayen bahadi tala dalkooda, waxanan odhankarnaa deeganaka reer awdal waxa uu sugayaa in ay wax ka qabasadaan reer awdal. Waxaa mahad leh Ilaaha cadilka ee marlabaad soonooleeyay shucuurteena, ee ina dareensiyay sida baahi loogu qabo in wadajir wax laga qagbto gobolka.
 
Hadaba bulshada marka ay soo naalado dareen kooda waxa ay maskaxdu ku fikirtaa waxayaabo aad u farabadan oo qalad iyo saxba leh, naxdin iyo farxadba leh, taas oo ay kenayso fikradaah kala duween ee ka sooyeedhaya bulshada darenkeeda wax wada qabsi iyo wadatashi eeku jeeda meelkaliya ee leh aragtida kaliya ee ah isku duubni iyo minimo. Iyadoo shakhsi kastaa lee yahay xageed ka bilawda wadnishiisu iyo maskaxdiisu leeyihiin dadkaaga dhinac karaac. Suaasha aniga manta aan ka fadhiyi kari la ahay ee jiif iyo joogaba ii diiday ayaa ah in aan u bixiyo magac garoonka wayn ee kubada caggta ee Borama oo aynu ku hawllanahay sidii wax looga qaban lahaa , waxayna ila noqotay sidan.
 
Waxaa hadaba manta aan jeclaystay in aan magac ubixiyo garoonka kubada cagta ee Borama taas oo aan is idhi marka aan dhan walba eegay in garoonka magac loo helo, hadaba markii aan dib u baadhay magac ku haboon in garoonka loo bixyo waxa aniga ilagudboonaatay in garoonka loogu magac daro SHIHIID MOHAMED HASSAN MAAFUL oo aynu sidaynu wada ognayahay ku shishiideen isaga iyo reerkiisii magalada Boorama iyadoo ay aheed maalintii jabhadii mujaahiliintu sida khaladka ee gaadmada aheed ay gobalka Awdal ku soo weerareen, isagoo markaa wakhtigaa ay  shihiideen marxunka iyo xaaskiisa iyo ubadkooduba uu  ahaa Duqa magaalada Borama, waxaan leeyahay ilahay naxaariistii jano hasiiyo enaga iyo eheladisiina samir iyo iimaan haynaga siiyo iyaga intii lashihiiday maalinaasa Aamiin Aamiin Aamin.
 
Sida aan ciwanka ku xusay qoralkaygan waa magacaan lajecladay garoonkan aniga oo aan waligay ilawin oo ayna marqudha aanay maskaxdayda kabixin in mar uun maqlo meel loogu magacdaray shiihid Mohamed Maaful. Hadaba akhistow taaas waa fikirka aan qabo waxana ay tagantay wakhtigii aan su soo bandhigii lahaa bulsha waynta reer Awadal oo ka geeriyoodeen shihiidka iyo reerkisu. Ma aanan jecleen in marnaba xusuusiyo eheladii iyo dhaman bulshada waynta reer awdal tariikhda noocan ah lakin taariikhudu iyadaa isqoraysa oo kugu khasbaysa in aad qortid ama aad ka dhiibatid fikradaada bogaga ay dad waynuhu isku way darsadaan fikrada hooda kala duwan, waxan ka hafeefanayaa in aan hadii aan ku gufay ciduun raali layga ahado.
 
 
Ilahaw reer Awdal muraadkooda gaadhsii.
 
By Deeq  Ali obsiiye.
cawlmo@hotmail.com
4 user comments.

Posted by ahmed:

waa arin qiire leh oo aan anigu ogayn haddii aan nahay dadka qurbaha aad ayaanad ugu mahadsan tahay warkaa aad noo soo gudbisay
Saturday, August 25th 2007 @ 12:46 AM

Posted by Mahdi Ibrahim Wais:

Marka hore waxaan aad u salaamayaa ninka la yidhaahdo Deeq Ali obsiiye, sida qiirada leh ee aad noogu soo gudbusay fikirkaaga qaaliga ah, aniga waxay ila tahay in Rag badan oo taariikhda Gobolka guud ahaan baal dahab ah kaga qoran ay jiraan sida Axmed Gurey, Halyeygii Reer Awdal Gen. Cawaale Bustaale, ito rag kale oo aad uga mudan ninkaas Maaful oo isagu ahaa Mayor-ka Borama, hase yeeshee raggaas aan kor ku soo sheegay waxay ahaayeen rag magac weyn ku leh Gobolka.
Haddaba aragtidayda aniga waxaa igala haboon in lagu Magacaabo garoonka oo loo bixiyo (CAWALE INTERNATIONAL STADIUM) ama (AHMED GUREY INTARNATIONAL STADIUM) BORAMA
labadaas nin ayaa ka mudan Maamul iyo mayor-nimadiisa
salaamu Calaykum
Saturday, August 25th 2007 @ 5:03 PM

Posted by cabdi yare:

ahmed guray ama Cali farax sayax haloo bixiyo garoonka; cawaale bustaale waa halyeey hore. waxba kama qabo xitaa haddii isaga loo bixiyo
Sunday, August 26th 2007 @ 3:12 AM

Posted by Johnson: