Jawaab Bnn Ka bixisay Warbixin Website Yada Lagu daabacay "BNN Waxay
u Taagan tahay Horumarinta Gobolka"
Background Information - tixraac: Jawaab ku socota maqaalka "Maxaad ka taqaanaa lix website ee reer Awdal" "Ujaadada Maqaalku ma'ahayn in BNN ka Xanaaqdo laakiin in la baro umada dadkan wax soo
qoraya" Dahir Askar - (Dahir Askar oo ka mid ah weriyayaasha Saylicipress).
Maalmahan waxa shabakadaha Wararka ee Gobolka awdal lagu faafiyey maqaal uu qoray nin isku sheegay inuu soo bandhigayo Warbaahinta Gobolka Awdal iyo daldalooladooda. Isagoo aan wax tixraac iyo baadhin toona sameyn ayuu eedayn aanu hubsan dusha uga tuuray warbaahinta Gobolka Gaar ahaan
Shabakadaha Wararka.
Ugu Horeynba Shabakada Boramanews lagama maamulo Dalka Gudihisa siduu ku dooday Daahir Askar, sidoo kale wuxu khalad iyo meel ku dhac kula kacay Tafatiraha BNN isagoo ku sheegay in uu Tafatiro nin Borama Jooga oo Biko la yidhaahdo waa siduu hadalka u dhigee, Tafatiraha Bnn Maamulaha Iyo
Aasaasahuba Waa Eng. Mustafe Xaaji Mohamed Diiriye oo dalka dibadiisa jooga,
Mudane Askar waxay ahayd marka hore inaad nalasoo xidhiidho oo wixi akhbaar aad nooga baahato aad na waydiiso si aad u ogaato dhab ahaanti siday u shaqayso shabakada BNN ee may ahayn inaad maqaal soo malmaluuqdo oo dhaleecayn iyo ceebayn kula kacdo shabakadaha wararka ee Gobolka oo had iyo
goor u taagan siday bulshadooda uga haqab tiri lahayeen wixi ka dhaca mandaqada ay ku nool yihiin. Micnaha iyo Ujeedada Warbaahinta ayaad malaha si khaldan u fahantay markaad leedahay Xukuumada waxba kama qoraan sax iyo khalad iyo eedaynta, sidaanu wax uga qorno xukuumada iyo mucaaradkaba
waxa nooga marag kacaya dadka akhristayaasha ah ee sida joogtada ah ula socda Wararka aanu kasoo tabino dalka.
Hadad u aragto in warbaahinta khasab ku tahay inay dhaleecayso dowlad malahade si kale baad u rabtaa in Shabakadahu kuu fuliyaan Hawl adiga ku gaara oo doonaysid inaad dad gaara ku samayso taasina ma dhacayso, Warbaahinta shaqadeeduna waa inay dadka dhex u ahaaata ee maaha sidaad adigu ku
doodayso inay cid gaara Dhaleeceyan,
Markasta oo Mucaaradku hadlo waanu soo qornay dhaleecayn khalad iyo eedayn waxay Xukuumada ka sheekayn taasina waa dhex dhexaadnimada aanu ku caano maalnayn ee hanaga Sugin inaanu anagu waxan jirin qalinka u qaadanayo oon Xukuumadu Dhaleecayn iyo khalad kula kacdo, waxanu soo
gudbinayna wixi dhacay ee Xukuumad iyo Mucaaradba ah ee masoo gudbinayno sidaanu anagu u aragno iyo sidaad adiga u aragto toona.
Bnn qabiil ma taqaan . qof gaar ahna ma taqaan . Danta Dadkeeda iyo Dalkeeday taqaan Sidii Ay xaqiiqada ugu soo gudbin lahayd akhristayaasheeda ayay isku hawshaa, Bnn marnaba Uma dul qaadan Doonto in sumcadeeda Meel lagaga dhaco
Sidaad adiguba Qirtay Mudane Askar Bnn waxay ka haqab tirtaa dadkeeda wararka oo dhan marna Bnn noqon mayso mana aha Shabakad ku kooban inay deegan kaliya kasoo waranto ee waa shabakad baladhan doonaysana inay noqoto shabakada ugu horeysa kuwa afsomaliga, hadana waxa kusocda
baladhin iyo wax ka badal,
BNN Ma aha web kaliya Ee waa wakaalad Warar .. oo madax banaan .. Wax walbana way u dhamaystiri doonta akhristayaasheeda . dhawaaaaaaaaan insha alah
Bnn iyo Madaxweyne Rayaale sharaf bay kala mudan yihiin hadad adigu mucaarad tahay iyo hadii kaleba, Bnn way ku amaanaysa Madaxweynaha wixi horumar uu deeganka iyo Dalka ka sameeyay marnaba waxan
jirin oo sal iyo raadtoona lahayn kuma xag xaganayso madaxweynaha Umadu dooratay.
Hadaad adigu jeclaatay in la Aflagaadeeyo ama la eedeyo Madaxweyne Umadi dooratay dabcan Webkaaga inaad kusoo qorto weyan waxad doonaysdi inay websiteyada kale ku fuliyaan, maqaalkagu ulajeedadisuna waa inaad Shabakadaha kale ee aad la tartamayso dhaleecayn usoo jeediso si aaad
iskooga dhigto Shabakada kaliya ee Fulisa Danaha Reer Awdal.
Tafatiraha BNN
Eng. Mustafe Hajji Moh'ed Dirie
boramanews@gmail.com