Dhakhaatiirta cusub ee kasoo baxay Jaamacada Camuud Gobolka Awdal waa
immisa?
Sharmake Muse
Shan Dhakhtar ayaa ka qalin jabiyey jaamacada Camuud bisha sideedaad horaanteedii. shantaa dhakhtar ee bulshada usoo biiray ayey kala ah:
Abdirahman Nur Hussein (Duse)
Hoddan Suleiman Guled (Prof. Suleiman Guled's Daughter)
Abdirizaq Farah Hassan (Barako)
Farhan Cumar Muse
Mohamed Abdillahi Ahmed
Difcadan soo baxday oo ah difcadii bilowday sanad dugsiyeedka 2000 oo mudo 7 sano ku siman. waxna soo baranaysay ayaa waddada u banaysay da'yarta reer Awdal si ay ula qaybsadaan caalamka tayo heer sare ah oo waxbarasho muujiyeyna karti dheeraad ah oo ay ku caawiyaan dadkooda u baahan waxtarka caafimaad inuu u suurto galo. waxa laga yaabaa in qaarkood waxbarashadooda ay kasii wataan wadamada dibeda kuwa kalena dadkooda ayaa u baahan sida ay ilo u kuur gala arimaha caafimaadka ee
Gobolku noo sheegeen.
shantan dhakhtar ayaa badan kooda ka qalin jabiyey dugsiga hoose, dhexe iyo Sare ee Al-Aqsa iyo Al-qudus; kaalintii uu dugsiga sare ee Sh. Cali Jowhar kaga jiran wax barashada gobolka ayaa yara kala go'day isagoo dugsigu xidhnaa 1991 ilaa 1996; wakhtigii dagaalada sokeeye laga soo kabanayey.
dugsiyada Al-qudus oo ah dugsigii hore ee Xaawa taako waxa dhigta gabdhaha waxana maamule ka ah farax ismacill sidci; dugsiga dhexe sare ee Al-aqsa oo ah dugsiii la odhan jiray (Dhayga ama dugsiga
dhexe ee willasha) waxa maamule ka ah Abdirahman Dahir Elmi.
iyadoo aan lasoo koobi karayn tayada dugsiyadani ay bulshada reer Awdal u horkacayaan ayaa dad waynuhu mahad balaadhan u hayaan dadka qaban qaabiya ama gacanta ku haya dugsiyadan.
Haddaba waxa bishaaro ah in Sanad walba ay soo bixi donaan shan dhakhtar iyo in ka badanba waxa ay si buuxda u dabooli donaan baahida dalalka soo korayaa u qabaan cafimaadka. weliba iyada oo ah ama noqon doonta isha geeska Africa ka saarta cudurada mar hore la dabar gooyey iyo cudurada aan
dawadooda aan weli la helin.
Sharmake Muse
Sharmake77@hotmail.com
Saylicipress
Borama, Awdal