Waftigii Wasiirada ee Raxan Raxanta Ahaa Iyo Labadii Maayar Waxay Ahayd Baroortu Orgiga Ka Wayn.
Sadex Maalmood ka hor ayaabay dib ugu laabteen Magaalada Hargeysa, Wasiiraradii Raxan Raxanta ahaa iyo Maayarada Hargeysa iyo Gabiley oo mudo labo maalmood ah Booqasho ku joogay Magaalada Borama,iyadoo imaatinka Waftigaasina uu ku soo beegmay xili Marwada Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland ay socdaal Gaaban ku joogtay ayaa waxaa safarkaa Wasiirada Lagu Tilmaamay In Ujeedadiisu ahayd in ka balaadhan waxyaabaha ay soo ban dhigeen oo lagu sifeeyey Baroorta Orgiga Ka Wayn Sabobtuna tahay Waftigaasi marka ay ku sugnaayeen Borama may samaynin kulamo badan oo ay la yeesheen Bulshada Noocyadeeda kala duwan , Waxaana Caado ahaan jirtay marka wafti ka socda Xukuumadu Safar ku tagaan goobo ka baxsa Magaalada Hargeysa in la dareemo Dhaq dhaqaaqyo kuwajahan ujeedadooda iyo Cadeeyaan inay ku saabsan tahay dhinaca Siyaasada , Arimaha Bulshada iyo Dhaqaalaha dadka iyo Saxaafada ku sugan degaankaa ay tageen.
Balse kormeerkan Wasiiradu waxuu ahaa mid ujeedadiisii iyo dantii laga lahaaba ay Umadu Fahmi wayday taasina waxa kuu cadaynaysa mudadii ay joogeen waxay qabteen Laba Shir oo kale duwan oo ay la yeesheen Salaadiinta , Cuqaashaa iyo Dhalinyarada Ciyaartoyda ee G/Awdal kulamadaasina waxay ahaayeen kuwo albaabadu u xidhmaayeen oo loo diiday inay Saxaafada Gobolku ka qayb gasho waxana lagu tilmaami karaa mid Ujeedo Gaar ah lahaa balse markay Kulamadaasi Dhamaadeen ayaa Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha oo Hogaaminayay waftigaasi C/laahi Ismaaciil (C/laahi Cirro) oo aan ka waraystay Ujeedada Socdaalkooda ayaa waxuu ii sheegay in Safarkoodu Khuseeyo Kormeerkii Caadiga ahaa ee Masuuliyiinta Dalku ay Samayn jireen laakiin waxuu intaasi sii raaciyay in Ujeedada ugu wayni ahayd sidii Ciyaartoydii Tartana Ciyaaraha Reer Awdal ee Hargeysa ka soo qayb galay Dhibaatooyinkuna ka soo gaadheen loola kulmi lahaa si ay isku calool xaadhaan waxuu cadeeyey in Ciyaartoygii ay ugu balan qaadeen in dhibtii la soo gaadhsiiyay ay iska ilaaween oo ay halkaa ka soo qaadayn mar uu ka jawaabayay Su’aal ahayd Inaanay Ciyaartoygu G/Awdal aanay haysan meelo iyo goobo ay ku ciyaaraan arintaasi ka Xukuumad ahaan,Gobol ahaan iyo Degmo ahaanba maxaad wax ka qabashadeeda ugu talo gasheen?
Waxuuna farta ku fiiqay in dalka Somaliland oo dhan Garoomada iyo Goobaha lagu ciyaaraa ay ku yar yihiin Ciyaartoyda Awdalna aanu uga bilownay in loo dhiso Garoonka Kubada Cagta kuwo kalena loo samayn doono .
Waxa kale oo uu ka hadlay oo aan wax ka waydiiyay wada Borama iyo Dilla u dhaxaysa waxuu xusay in dalka Somaliland oo dhan ay xaga wadooyinka dhibaato ka haystaan balse intii karaan ah ay xukuumadu qaban doonto.
Mar uu ka hadlayay in Safarkoodani oo leh dhinaca siyaasada iyo inay wax ka qabanayaan ee Roobabka Duufanada ahi waxyeeleeyeen isagoo ka hadlayana waxuu yidhi “ Anagu Siyaasad Shuqulkayagu kuma jiro laakiinse waxuu cadeeyey inay wax ka qabanayaan oo ay soo qorsheysteen waxyeeladii gaadhay Magaalada Boon sidii wax loogu qaban lahaa waxana gacanta ku haya Wasiirka Qoyshaynta sida ugu dhaqsaha badana dadkaasi Aqaladu ka dumeen waxbaa loo qaban doonaa” inkasta oo Ciyaartoygii iyo dad badan oo kulamada ka qayb galay waxay noo sheegeen inay fahmi waayeenba waxyaabaha Wasiiradu kala hadlayaan waxanay carabka ku dhufteen hadii nalaga raadin galinayo Ciyaartoy ahaan iyo Awdal ahaanba dhibaatadii nala soo gaadhsiiyay waxay ahayd in xukuumadu Culayska soo saarto balse hadii Runtu Raali galin ahayd Wasiirada waxaa kaga haboonaa in Oday dhaqameedyo iyo Waxgarad la soo diro laakiinse anagu waxaan ugu dareenay arin siyaasadeed oo Xukuumada Madaxwayne Daahir Rayaale Magac ku raadsanaysay.
Waana markii ugu horeysay ee Waftigaa 8 wasiirka ka kooban sida Wasiirka Arimaha Gudaha , Warfaafinta iyo Wacyi galinta , Macdanta iyo Biyaha , Dib u dajinta , Qorshaynta ,Hidaha iyo Dalxiiska , Wasiir ku xigeenka Maaliyada ,Wasiirka Duulista iyo Hawada , Maayarada Hargeysa iyo Gabiley inkasta oo waftigaasi kulmo la yeesheen Maamulka Gobolka iyo Degmada waana arin reer Borama Fajaciso ku reebtay oo wali waa la hadal hayaa ujeedada waftigaasi isla markaana waxa loo dareemayaa inaanay waxba ka qaban Karin Xukuumada Intaa leeg ee Gobolka timid inay wax ka qabtaan baahiyaha Gobolka iyadoo Xilka Wasiirnimada intay haynayaana ay ku eegtahay 7 bilood Gudahood
Abokor Hasan Afi
Saylicipress-Boorama