Golaha Wakiilada Oo Mar Labaad Cod Aqlabiyad Ah Ku Diiday Inay Ansixiyaan Labadii Xubnood Ee
Ka hadhay Guddiga Kimoshinka Doorashooyinka
Abokor Afi -
Kalfadhigii aan caadiga ahayn ee Golaha wakiilada oo maanta ka furmay xarunta Golahaasi ayaa waxaa goob joog ahaa 70 Xildhibaan waxaana mar kale la hor keenay Labadii xubnood ee ka dhinaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.
Kalfadhigaasi aan caadiga ahayn ee Golaha wakiilada ee maanta la qabtay ayaa cod Aqlabiyad ah ku diiday inay Ansixiyaan labadii xubnood ee Komishanka oo hore bishii Juun 2 deedii ay diideen inay ogolaadaan inay xubnahaasi ka mid noqdaan komishanka sabobtu siday doonto ha ahaato .
Kalfadhigan oo uu hogaaminahay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Dalka Somaliland C/raxmaan Xaamud C/laahi (C/raxmaan Cirro) ayaa mudanayaasha ka dalbaday inay u codeeyaan Xalaalaynta kalsooni siinta iyo ka mid noqoshaha Xubmaha Komishanka Qaranka Muuse Axmed Cumar ( Muuse Madoobe ) iyo Maxamed Cabdi Xaamud (Nine).
Gudoomiyaha Golaha Wakiladu waxuu sheegay in shirgudoonku Aqbalay kalfadhigan aan caadiga ahayn ee loo qabanayo Golaha Wakiilada taasoo oo uu cadeey in Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Daahir Riyaale Kaahin Soo jeediyay in lagaga hadlo arinta Miisaaniyada ee 2007 iyo Dhamaystirka Ansixinta Xubmaha Komishanka waxuuna Gudoomiyaha Wakiiladu uu tilmaamay in Miisaaniyada ay dhamaystireen Gudigii Dhexdhexaadinta ee Mudanayaasha iyo Madaxwaynaha balse la doonayay in Cod Aqlabiyad ah oo lagu ogolaanayo inay ka mid noqdaan komishanka Qaranka Muuse Madoobe iyo Maxamed Cabdi waxaanay arintu ahayd in mid kasta uu codka Ogolaansho ku helo 41 Xubnood balse Maxamed Cabdi Xaamud (Nine) waxa uu helay 38 Xubnood waxaa diiday 21 Xubnood 9 kalena waa ka aamuseen Gudoomiyuhuna ma codayn halka Muuse Axmed Cumar ( Muuse Madoobe ) ay codka Ogolaanshaha siiyeen 39 xubnood , 18 diideen ,12 Way ka aamuseen Gudoomiyuhuna ma codayn.
Laakiinse waraysi aan la yeelanay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida isla markaana ah ku simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida Sh.Aadan Sh.Nuur Furreh ayaa tilmaamay in labadan xubnood in mar labaad la hor geeyo Golaha Wakiilada si loo ansixiyo laakiinse waxuu cadeeyey inay hadana Sharci tahay diidmada ay diideen Golaha Wakiiladu inay cod ogolaansho ku biirida Komishanka Qaranka ay diidaan, arintana waxay u dhimayso Sharci ahaan ma jirto wax dhibaato ah oo ay keenaysaana ma jirto, waxuuna Farta ku fiiqay inay Nin markii horeba ay soo jeediyeen Golaha Guurtidu inay ka mid noqdaan Golaha Komishanka hadana waxuu tilmaamay ku simaha Golaha Guurtidu in arinta diidmadu ay tahay mid xeerka Waafaqsan.
Mid ka mid ah Xubnihii gudiga dhex-dhexaadinta ayaa isna xusay in arintan iyo Arintii Gudida Dhexdhexaadinta aanay wax saamayn ah isku lahayn balse dareeno kala duwan oo ay dadka reer Borama maanta ka bixinayeen diidmada la diiday labadaa xubnood ee ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Sanaad Maxamed Faarax Jaamac ayaa arintaasi waxuu ku eedeeyay Madaxwaynaha Somaliland uu ku qaldanaa inuu mar labaad labadii nin ee horeba loo diiday inuu ku celiyo Golaha Wakiilada anuu arintaasi wax khalad ah uma arko ayuu yidhi Golaha wakiiladuna way ku saxsan yihiin diidmada, waxuuna intaasi sii raaciyay in Madaxwaynaha ay la Gudboonayd in rag kale oo labada Gobol ka soo jeeda oo Magac iyo Maamuusba leh uu gayn karayay taasina aanay Golaha Wakiiladu diidi kareen.
Maxamed Cabdi Kaahin oo isna ka mid ah dhalinyarada Magaalada Borama isla markaana Cadho Xoog badani ka muuqatay Wajigiisa ayaa tibaaxay inay Golaha Wakiiladu Khaldan yihiin oo ay diidan yihiin wax ka soo jeeda Hargeysa mooyaane meelaha kale halka Faadumo Cali ay tidhi Madaxwaynuhu wuu ku hagaagsan yahay in la diido Xubnaha uu ku celiyay Golaha Wakiilada sabobtoo ah Haweenkii ayuu godob ka galay waxaana wanaagsanayd maadaama uu xubintii ay ku lahaayeen Komishanka uu ka saaray inuu Haweenay kale ku badalao ayay ahayd Booskaasi , wax Calaalal ah iyo Dhibaatana meesha ma taallo ayay tidhi iyadoo markaa u jeeday dad badan oo ay dareemaysay inay ka cadhaysan yihiin maxaa loo ogolaan waayay labadaa xubnood iyadoo u arkaysay waliba in lagu taageerayo Qabiil iyo Gobol arintaasina maanta ayay ka dhamaatay dalka Somaliland, waana markii labaad ee dareemo kala duwan ay dadka reer Somaliland iyo aragtida labadaa nin ee Golaha Wakiiladu diideen waxaanay hadalkeedii ku soo afjartay Mushkiladii Dhinacaasi Xubnaha Komishanku way dhamaadeen, waxaana loo baahan yahay in dad u qalma oo golaha Wakiiladu ogolaadaan Madaxwaynuhu oo soo dooro si Golaha Wakiiladu u ansixiyaan.
Wariye:
Abokor Hassan Afi
Saylicipress-Borama