Shabadaha Da'daydoow - Maanso
marka hore waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha lughaya harowo iyo saylici boramanews marxiga waxaan jeclaa inaan soobandhigo arinka ah maxaa haweenka soomaaliyee udiiday inay aqaladooda kuhaasaawaaan uu ku kalifay gidaar fadhiisi iyo baar tagi horta waxaan odhanlahaa haweeenka soomaaliye waxaad ogaataan jacaylka aan salfadhiisigiisu ahayn diin ee aan waafajisnayn sharciga inuuna noqon mid waara oo laga caana maalo waxaasa wax caqligu garta ah ninka kugeeyay baar inuuna ahayn nin ilaaliyay sharaftaada qofka aan sharaftada ilaalinina maaha qof ku jecel.
madiidani haweenaydu inay sheekaysato laakiin waxaa iswaydiin leh sidoo loosheekaystaa amaaba aan udhiga sikalee sideebaa loogu gogol xaadhaa guurka runtii waa su aaal aad ujilicsan oo jawaabteedu kuba koobantahay inay haweenaydu kusheekaysato guriga hooyadeed meel umuuqata dadka hadalkoodu haba qarsoonaadee waxaa lagayaaba markaan sidaas leehay inay layaaban dad farabadan.
Arinkan oo ay yidhaahdan ma'doqonbaa ahay maxaa keenaya aqalkayaga nin aan i-qabin runtii waxaa doqoniima ah adoo aqalkii hooyadaa uga baxa nin aan kuqabin; way fiicantahay hadii aad kula sheekaysato gurigooda amaaba guri qof aad saaxiib tihiin laakiin meeshu ha ahaato meel ayna suurta gal ahayn inaa ilaahay lagu caasiyo markas waxaan ugu baaqi lahaa shabadaha da'dayda ah inay ilaaliyan sharaftooda oo ay gartaan ninkii wadi kara; inta reeraha lehna waxaan leehay haweenoow ragiina raali galiya waa "saban aakhir" nagtii nin wanaagsan hesha "shilin badhi qaniintay u kunoqo" ixtiraamkuna waa asaaska horumarka qoys. Bal hadaba ila eega maansadan aan kusoo koobay maqaalkayga:
shabadaha da'daydoow
sheekaan inii jili
shan faroodle gabigii
shucuurtay wadaagaan
ninba dhinac shirqoolaa
sheekada u qariyaa
hablahana shukaansaa
ceebtooda shacshaa
shilinbaan kuqaadaa
sharafteed kulumiyaa
shirarkana kasheegaa
adiguna mashiixdide
sheekaan laleeyahay
shan habeen kujiifta
shirmaakoowda haysaa
shafka ugu tumaysaa
shuq shuq lama amaanine
sharafteen ilaaliye
shaaric ha isku aaminin
shiki bixi ninkaagoo
dhawr sheekha waligaa
shay uuku diirsado
shirwacaa hamoogaan
haku xidhin shuruud badan
shibka ka odho qaraarkii
hakajoogsan sheedee
shafka laabta ugu qabo
sharcigana haguud marin
shilin badhi qaniintuun
sheefkaaga ku ahaw
aan kuushiila hadalkee
shabadaha da,daydoow
sheekada madiidee
ee shaqaabadaan nacay
dayaxoo shucaacliyo
shan karoonahaan helay
sharaftuu yaqaanoo
sheekadaydu waxay hayd
shankaroone gurigood
oumalkhaire robleh elmi
siniingaal