Haddii aad rabto inaad qoraal ka jawaabto
Opinion: By SayliciBlogger
"When writing in response to a particular piece of writing in any publication, always begin by referring
precisely to what you are responding to." (Troyka)
Hadda cidna uma jawaabayo laakiin dariiqada la raaco waa sidatan: Haddii aad rabto inaad qoraal ka jawaabto luuqad kastaba ha noqotee waxa loo baahan yahay in aad cadayso tixraac; mawduuca ama ciwaanka qoraalka aad ka dacwoonayso, meesha iyo taariikhda lagu daabacay. si labada dhinacba
loo akhriyo haddii aad rabto in doodaadu ay micno samayso.
waxaan akhriyey warbixin uu Dahir Askar ku qoray shabakada wararka ee saylicirpess.net ciwaankeeduna ahaa "Maxaad ka taqaanaa Lixda Website ee reer Awdal -August 24, 2007"; warbixintaas oo cadaynaysay in gobolku immika ahaan uusan lahayn jaamacado lagu tababaro suxufiyiinta lixda shabakadoodna ay kala fog yihiin fikrad ahaan oo ay u baahan yihiin inay sameeyaan sidii ay u caawin lahaayeen in bulshadu iskugu soo dhawaato. Hadaba sida aan wada
ognahay saxaafada lafteedu way cusub tahay oo horu umaynu haysan inta yar ee madax banaanida ah ee aan maanta haysano khaasatan kuwa qurbaha joogaa.
warbixintaas oo taabatay lixda website dahir ma'uusan samayn wax bariitaan dheeraad ah oo uu rabay in umada loo gudbiyo isagoo ixtiraamaya "privacy-ga" shakhsiyadaha maamula website-yada. keliya wuxuu isku habeeyey wixii ay umadu marka horeba ka ogayd website-yada.
Hadaba Soomalidu waxay hore u tiri: "Hadal uu nin si'u yiri nina si u qaaday" kalsooniduna waa muhiim. Dahir iyo Saylicipress.net ilama aha inay wax khalad ah cidna ay rabeen inay ka galaan markaa anigoo ka mid ah weriyayaasha Saylicipress waan isbaranaynaa akhristayaasheena sharafta mudanow. shabakadan dar-darta iyo xawaaraha ku socotaana marnaba idin niyad jabin mayso insha allah.
Mohamed Aadan Cilmi (Mohamed Yare)
Calgary, Alberta - Canada
mohammedadan@hotmail.com